Akhriso: Qodobada wali la isku fahmi la’yahay ee Shirka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada

Shirka Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa wali ka  socda Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Shirkaan waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka qeyb galaya Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubba-land, Galmudug, Hir-shabeelle,Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Gobolka Banaadir.

Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa ilaa haatan isku haya qodobo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta qodobo dastuuri ah oo golaha wasiirrada ay baarlamaanka horgeynayaan, madaxda Maamul goboleedyadda ayaa dalbaday in loo keeno inta aan baarlamaanka Soomaliya la horgeynin.

Sidoo kale qodobada la isku hayo ayaa waxaa kamid ah arrimaha ammaanka dalka, dhismaha ciidan qaran iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyo dastuurka KMG.
Shirkaan ayaa dib kaga dhacay waqtigii lagu balansanaa in lasoo gaba-gabeeyo islamarkaana laga soo saaro War-muriyeed.