Ciidamada xooga dalka ayaa howlgalo lagu baadi goobayay Al shabaab waxay ka sameeyeeyn Tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgalkan uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ay fuliyeen ciidamada Ururka 26-aad ee xooga dalka gaar ahaan guutada sedexaad, isagoona sheegay inuu guul ku soo dhamaaday, lagana Saaray Al shabaab meelahii ay uga dhuumaaleysanayeen Tuulooyinkaasi.
“Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo horkacayo ururka 26-aad guutadiisa sedexaad ayaa waxay howlgalo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ciidamada ay halkaasi ka fuliyeen howlgal lagu baacsanayay Al shabaab, waxayna ku guuleysteen ciidamada inay guud ahaanba ka saaraan Xoogaga Al-shabaab meelaha ay ku dhuumaaleynsayeen”
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose in howlgalkan uu hordhac u yahay dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dalka looga ciribtirayo Maleeshiyaadka Jid iyo jihadiidka ee Al shabaab.