Waxaa dalka Canada ku geeriyooday Xildhibaan Hore Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya.
Cawad Axmed Cashara ayaa ka mid ahaan jiray Baarlamaanka Dowladdii KMG ahayd ee Cabdullahi Yusuf Axmed.
Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dadka sida weyn uga shaqeeya Midnimadda Soomaaliya.
Cashara ayaa sidoo kale mid ahaa aas aasayaasha Maamulka Puntland,waxaanna markii ugu horreysay uu ka noqday Wasiirka warfaafinta Maamulkaas.