Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda muqdisho.
Taabid ayaa tacsi u direy qoysaska dadka ku waayay weerarkaas, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay aad kaga xun yihiin in muddo 2-todobaaad kadib in musiibo kale ay ka dhacdo Muqdisho.
“Lama aqbali karo in 2 Isbuuc gudahood masiibo kale inagu dhacdo. Waa in si dhab ah la iskula xisaabtamaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa. Waxaan aaminsanahay sida keliya oo musiibooyinkan oo kale looga hortagi karo waa inay qof waliba shaqadeedu si sax ah u gudataa..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.