Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegayaa in lagu dhuftay iridka hore ee Hotel Nasahablood 2,iyadoo isla markiina ay bilaabatay rasaas aad u xoogan oo loomalanaynaayo in ilaalada hoteelka iyo kooxdii qaraxa fulisay ay is weedaarsanayaan.

daqiiqado kadib ayaa waxaa ka dhacay isla hotelka qarax labaad walow aan la ogeen nuuca qaraxa danbe.

waxaa adag in la ogaado halka uu gaarsiisanyahay qasaraaha qaraxa maadaama ay wadada xirantahay welina la maqlayo dhawaqa rasaasta,waxaana ku sii qul qulaya goobta uu qaraxa ka dhacay Gaadiidka Gurmadka deg dega.

Qaraxan galabta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya labo todobaad kadib qaraxii lagu halaagsamay ee Isgoyska Zoobr, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux.