Wararka laga helayo Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay Go,aan keedii ahaa in ciidamadeeda jooga Soomaaliya kala bixi doonto kaddib markii la xaliyay Cabashooyin ay ka tabanayeen Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadeedu baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.
Waxaana keenay inay bedelaan mowqifkoodi ahaa inay ciidamada dib ugula Dalka somaliya kadib markii uu kulan dhex maray madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dalka Burundi iyo Gudoomiyaha amniga iyo nabad gelyda midowga Africa Ismail Sharqi ayadoona la isla af gartay in si joogta ah loo siiyo mishaaraadkooda ciidanka Burundi ee qaybta ah AMISOM kuwaas oo u sugan Somaliya.
Madaxweynaha Dowladda Burundi ayaa horay ugu hanjabay Ururka Midowga Afrika in uu Dacweyn doono haddii ay bixin waayaan mushaaraadka Ciidankooda jooga Soomaaliya.