Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku qalqaalinayo Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu furo Dekadda Ceel-macaan.
Kulan ka dhacay Madaxtooyadda Hir-shabeelle ayaa waxaa ka qeyb galay C/wali Gaas, Madaxwaynaha Hirshabeelle,Siyaasiyiin kale sida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) iyo Siyaasi Jabriil Ibraahin Cabdule.
Wararka qaar ayaa sheegaya in C/weli maxamed cali Gaas iyo Siyaasiyiinta kale ay Madaxwayne Waare ku qalqaaliyeen inuu furo Dekadda Ceel-
Madaxweynaha Maamulka Puntlnad Gaas ayaa soo jediyay in Shirkadda Imaaradka DPWorld oo gacanta ku haysa Dakedda Magaaladda Boosaaso ee gobolka bari ay dhisto Dekada Ceel-macaan laguna wareejiyo.
Hogaamiyaha Isbahaysiga Maamulada ayaa u xusul duubaya in Maamuladu ka kaaftoomaan Dhaqaale ay ka sugaan Dowladda Dhexe ee Soomaliya oo hakisay lacagihii ay siin jirtay bil kasta Maamul Goboleedyada.
In Dakedda Ceel-macaan ee Hir-shabeelle Shaqayso waxay hoos u dhigi kartaa isticmaalka Dakedda Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya marka loo fiirsho masaafo ahaan.