Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka iyo AMISOM oo wada kulmay (Sawirro)

Xarunta Xalane ee Magalaadda Muqdisho Waxaa ku kulmay talisyada Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo AMISOM,waxayna ka shireen howlgalka dhawaan dowladda Soomaliya ay ku qaadi doonto Goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Saraakiishan ayaa waxaa kala hoggaaminayeen Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.

Jen. C/kariin Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xooga dalka  oo dhowaan xilkan loo magacaabay oo kulanka ka hadlay  ayaa sheegay in dalka uu xaalad adag ku jiro, isagoo ka dalbaday Ciidamada AMISOM in gacan ka siiyaan sidii meelaha Al-Shabaab ka taliyaan looga saari lahaa.

Sidoo kale Taliyaha AMISOM Jen. Subagle ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ciidamada Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii goobaha Al-Shabaab maamulaan looga xoreyn lahaa, isla markaana ammaanka ku wareejin doonaan.

Waxaa uu sheegay in sanadka 2018 oo la qorsheeyay in Ciidamada AMISOM bilaabaan inay ka baxaan Soomaaliya ayuu xusay in xaalada jirta hadii aanay waxba iska bedelin aanay xilligan u bisleyn in dib loo gurto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan ku dhawaaqay howlgal al-shabaab dalka loogu saarayo kadib qaraxii Isgoyska zoobe ee Magaaladda muqdisho.