Sababaha dowladda warbixin uga soo saari la’adahay Qaraxii Soobe oo la ogaaday

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shalay warbaahinta hadal kooban ku siiyay Muqdisho ayaa sheegay in habeenka ay Khamiista soo galeyso oo xalay aheyd laamaha ammaanka ay soo bandhigayaan warbixin ku saabsan baarista hordhaca ah qaraxii lagu hoobtay, 14-kii October.

“Hay’adaha amniga waxay caawa fiidkii soo bandhigi doonaan een baaritaan hordhac ah oo ay ka sameeyeen falkii dhacay Sabtidii, shacabka Soomaaliyeedna waxaan rajeyneynaa in caawa fiidkii ay si fiican u heli doonaan akhbaarta ku saabsan Qaraxii Zoobe.” Ayuu ku yiri Wasiir Yariisow hadallkii shalay uu siiyay warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaan xalay illaa saaka soo saarin haba yaraatee wax warbixin ah oo ku saabsan baarista dhacdadii Sabtidii, dad badan ayaa isha ku haya warka ay Dowladda ka soo saareyso baaristeeda.
Warar madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane ay Dowladda u sheegeen inaysan ka hadlin dhacdadaasi, iyaguna ay ka war sugto waana sababta dib loogu dhigay warbixinta.

Warar kala duwan ayaa Qaraxan ka soo baxaya, Wargeyska The Guardian oo warbixin ka qoray Qaraxii Zoobe isaga oo soo xiganaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda wuxuu sheegay Qaraxan in uu fuliyay Askari horey uga tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo u aargudayay dadkii lagu laayay Bariire, bishii August ee sanadkan.

Dhanka kale Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowladda Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay, balse Dowladda Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha Argagixisada ayaa rumeysan qaraxii Zoobe in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.