Al-shabaab oo ka hadlay Weerar ay ku qaadeen Boosaaso

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay xoogag hubeysan oo iyaga ka tirsan in ay ka dambeeyeen weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday barkontorool oo ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Mujaahidiintu xalay abaara 12:00-kii habeenimo ayay weerar xooggan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin agagaarka Koontarolka Boosaaso, dagaal muddo socday kadib mujaahidiinta waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan saldhigga.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Shabaabka.

Shabaabka waxay kaloo ku sheegeen war ay ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan in weerarka ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan Puntland, halka 11 kalena ay dhaawaceen.

Hadal kaas ka duwan waxaa qaba saraakiisha caafimaadka oo sheegay in goobta weerarka uu ka dhacay ay ka qaadeen meydadka Saddex ruux iyo dhaawaca 10 qof oo kale, kuwaasi oo isugu jira dad shacab ah iyo Ciidamo.

Sidoo kale xoogag Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa wadada u galay gurmad ku soo jeeday goobta uu weerarka ka dhacay, halkaasi oo uu ku dhexmaray iska hor imaad kooban, inkastoo markii dambe ay si buuxda ula wareegeen bartakontorool ee ay ku soo jeedeen

Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada maamulka Puntland, weerar bishii June, 2017-kii ka dhacay degaanka Af-Urur ayaa sababay khasaare badan oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.