Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf ayaa Goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Xildhibaano iyo sidoo kale boqolaal ka mid ah Shacabka Jubbaland.
Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa Kismaayo in uu ka furmo Shirka maamul goboleedyadda.
Waxaa Magaalada Kismaayo uga Horeeyay Madaxda kale ee Maamul Goboleedyada kuwaas oo ayagana ka qayb galaya Shirka uga furmaya Maalinta berri ah magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka war sugaya waxa kasoo bixi doona Shirka Beri ayadoo Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay cabasho ka muujiyeen Shirkaas uu soo abaabulay Madaxweyanha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.