Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay shir ay iskugu yimaadeen wasiirka Duulista hawadda Somaliland iyo wasiirka Duulista Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay wadanka Itoobiya.
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in Soomaaliya lagu wareejiyey maamulidda hawadda, haseyeeshee ay wali maamusho hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda ee ICAO.
Waxa uu sheegay in wada-hadal uu ka bilowday magaaladda addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia islamarkaana Guddi loo xil saaray arintaas.
“Shirkani waxa uu ahaa bilow wada-hadalkuna wuu soconayaa waxaanu saarnay guddi farsamo oo labada dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ka socda oo isu imanaaya sida ugu dhakhsaha badan oo eegaya sida ugu macquulsan ee hawadii loo maamulayo ee qolo waliba kaalinteeda ugu yeelanayso markaa waxa ay ku xidhan tahay waxa ay soo saarto khubaradaasi oo haddii loo baahdo aanu ku kabayno khubaro caalamiya”ayuu yiri wasiirka Heybe.
Wasiirka duulista Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyey in aan wali la wareejin hawaddii Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana wali gacanta ku hayso hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan Hawadda illaa inta laga heshiinayo.