Wararka ka imaanaya degaanka Lambar Lixdan ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay xalay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Al-Shabaab ayaa degaankaasi ku qaaday Weerar ku bilowday Madaafiic.
Ciidamada dowladda ee ku sugan degaankaasi ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen Weerarka ka yimid Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay xaqiijiyeen in ay Al-Shabaab dib ugu celiyeen degaanadii ay ka yimaadeen.
Waxaa sidoo kale jira weeraro ka dhacay degaano ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose sida duleedka degmada Qoryoolay.