Maamul Goboleedyada dalka oo diiday in ay kasoo qayb galaan Shir berri ka furmi lahaa Muqdisho

Qaar ka mid ah maamulada dalka jira ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Shirka looga hadlaayo dib u eegista Dastuurka ee lagu waddo in uu Berri ka furmo Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa horay u sheegay in 8 Bishaan Shirkaasi uu ka furmi doono Muqdisho.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay maamulada Puntland, Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland in aysan imaan doonin Shirkaasi.

Sababta ay u diideen ayaa lagu sheegay in ay tahay Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo Siyaasadda maamulada iyo dowladda Dhexe.