Taliyiha Guutada 3aad Ee Ciidamada Militeriga Soomaaliya Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil.

Gen Labo Afle oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagula eegtay Qarax Miino Wadada u dhaxay Muqdisho iyo Afgooye.

Kolonyo uu la socday Jananku ayaa waxaa Qarax lagula beegsaday degaanka KM13 ee Duleedka Muqdisho, Waxaana Weerarkaasi ku dhaawacmay Askar ka tirsanaa Illaaladda Taliyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka degaanka Garasbaaley oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya, ayna baaritaan ka wadaan degaanka uu qaraxa ka dhacay. Wuxuuna sheegay in Weerarkaasi ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen Askartii la socotay Taliyaha, isla markaana aysan jirin wax dhimasho ah iyo Khasaare Shacab toona.

Gen Labo Afle ayaa lagu badalay Gen Goobaale oo horay loogu dilay Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Muqdisho.