Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in aan Xilka laga qaadi karin

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo la hadlay Idaacad ku taalo magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xilka ka qaadistii xalay ay sheegeen in ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in xilka aan xilliggaan laga qaadikarin Maadaama uu sheegay in uu ku jiro Xabsi guri waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanadii xalay ku shiray Cadaado ayuu ku eedeeyay in ay soo Abaabuleen Shacab oo Xildhibaano laga dhigay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xareed Cali Xareed uu yahay Xildhibaan ,Laakiin uusan aheyn Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal Casir ayaa sheeagay Xildhibaanada Goobta ku sugnaa xaqiiq ahaan in ay ahaayeen 23 mudane waxa uuna tilmaamay in Galmudug la marin habaabinayo ayna taasi tahay Nasiib daro in dad Shacab ah oo lasoo Abaabulay ay ku dhawaaqaan Go’aan Xil ka qaadis.

Sidoo Kale waxa uu gudoomiyuhu sheegay Xareed inuu yahay nin Xildhibaan ah ee uusan ahayn Gudoon isla markaana uu Shaqadiisa ka maqnaa muddo 4 bilood ah.

Cali Gacal Casir ayaa iska Fogeeyay in wax xariir ah ay la leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya kuwaas oo lagu eedeynayay in Khilaafka Galmudug ay ka dambeeyeen.

52 Mudane ayaa sheegay xalay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa sidoo kale Xildhibaano ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.