Dhageyso: Quburo ka socda Wadamada Yurub oo Soomaaliya u imaanaya qiimeynta Baasaboorka Soomaaliga

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay bisha October oo maalmo qura ay inaga xigaan in Soomaaliya ay imaan doonaan Khubaro ka socda qaar ka tirsan dalalka Yurub.

Wuxuu sheegay Agaasime (Koofi) oo marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga Dowladda ujeedka Khubaradan ay u imaanayaan Soomaaliya in ay tahay qiimeynta Baasaboorka Soomaaliga, iyo in ay arkaan habka lagu bixiyo Baasaboorka.

Sidoo kale Maxamed Aadan Jimcaale ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan soo dhaweynta xubnahaasi, wixii ka dambeeyana ay ka marqaati kici doonaan sida uu u shaqeeyo Baasaboorka Soomaaliga.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dalal badan oo su’aalo ka keenay habka lagu bixiyo Baasaboorka, imaatinka Khubaradan kadibna ay jawaab heli doonaan.

Dhanka kale Waxa uu sheegay dadaal dheeri ah oo ay bixiyeen in ay keentay in la yareeyo cabashadii ka imaan jirtay shacabka ee ku aadaneyd qaadashada Baasaboorka., wuxuun sidoo kale tilmaamay in hada muwaadin kasta uu si dhaqsi leh ku heli karo Baasaboorka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la kordhiyay xarumaha laga heli karo Baasaboorada, kadib markii ay badatay cabashada ka imaaneysa shacabka.

Shacabka ayaa dhibaato ku qabay qaadashada Baasaboorka, maadaama Qofkii Baasaboor raba uu dhowr jeer u soo laa laaban jiray xarumaha lagu bixiyo.