Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa amar ku bixiyay in dib loo howlgeliyo Maxkamadda sare ee maamulkaasi, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta (Masagawaa).
Xaaf ayaa ujeedka hada loo howlgelinayo Maxkamadda ku sheegay in ay tahay si ay u gudato waajibkeeda Dastuuriga, oo aanay cidna uga heybeysan shaqooyinka horyaalla, xaaladaha lagu jirana aanay indhaha ka laaban.
Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Maxkamadda Sare ugu baaqay in ay u howlgasho sida ugu dhaqsiyaha badan.
“Madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyay oo uu tilmaamay in ay howlgasho Maxkamadda sare ee Galmudug, si ay u gudato waajibkeeda Dastuuriga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta (Masagawaa) oo warbaahinta la hadlay.
Hadalka ka soo baxay Madaxweyne (Xaaf) ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug, kaasi oo ilaa hada aanan loo helin nabadeyn sax ah.