Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado u tagtey qaboojinta xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, ayaa faah faahiyay wixii ay Cadaado kala kulmeen.
Waxa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug oo isku dhinac ah iyo Madaxweyne Ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan.
Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug waana mida Xildhibaano badan ka careysiisay.
Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa tilmaamay in uu jiro nin kale oo gadaal ka taagan Madaxweyne Ku xigeenka, kaas oo xusul duub ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug waana ninka ka shaqaynaya dhibaatada hadda ka taagan Galmudug.
Sidoo kale Cabdi cawaale ayaa sheegay in ay dhibaatooyin badan heystaan Maamulka Galmudug taasoo ay usii dheertahay in kala bar dhulkii uu maamulkaas lahaa uusan gacantooda ku jirin ayna ka taliyaan Shabaab iyo Ahlu-sunna oo dhinac kale ka talisa.