Gaas oo si aan laga filanayn uga hadlay Khilaafka madaxda Galmudug

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay arrinta gilgishay siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan khilaafka wadamada Khaliijka ayaa sheegay ka Puntland ahaan in ay ku adkeysanayaan taageerada Xulufada Sacuudiga.

Wuxuu sheegay Sacuudiga iyo Imaaaadka Carabta in ay wax badan u qabteen shacabka Puntland ayna garab istaagan yihiin mar walba, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in aysanba garaneyn Qadar.

Dhanka kale C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay xiisada Galmudug, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay wada hadal in lagu dhameeyo mad madowga jira.

Gaas ayaa sheegay in wax loo baahan yahay aysan aheyn go’aankii Dowladda Federaalka ay ka qaadatay xiisada Galmudug, taasi oo aheyd in ay taageertay xildhibaano aan shir guddoon laheyn oo Hotel ku shiray, go’aamiyayna in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne (Xaaf).

Dowladda Federaalka oo masuul ka ah guud ahaan dalka ayaa waxa ay u muuqataa mid la dhacsan qaabka ay wax uga socdaan magaalada Cadaado, maadaama weli aysan muuqan kaalinta ay arrintaasi ku laheyd.