Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay waxa ay weerar saf balaaran ku ekeeyeen saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayay Shabaabka marka hore waxa ay ku daahfureen baabuur ay ka buuxeen Waxyaabaha qarxa oo ay wadeen rag naftood hurayaal ah, kadibna dagaalyahano iyaga ka tirsan oo ku diyaarsanaa meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay dagaal kala hortageen Ciidamada Dowladda oo saldhigaasi ku sugnaa.
Qaar ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in salaadii subax kadib ay maqleen laba qarax oo xoogan, kadibna ay xigeen rasaas fara badan iyo hub kale oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen, cabsi badana ay muujinayaan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu lahaa laba weji, ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan safka balaaran ee ururka Al-shabaab ay ku qaadeen degaanada Bariire oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah oo hoostaga shirkada howlgalka Bancroft.
Ururka Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in saldhiga degaanka Bariire ay ku qaadeen weerar ku bilowday Qaraxyo, kadibna dagaalyahano iyaga ka tirsan ay dagaal la galeen Ciidamada Dowladda.
Sida ay Warbaahinta Goobsan u sheegeen Ilo Xog ogaal ah Shabaabka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degaanka Bariire, hadana iyaga ay ku sugan yihiin, oo ay sheegeen Ciidamadii halkaasi ku sugnaa in ay ka baxeen goobta.
Waxay kaloo sheegeen Shabaabka in ay gacanta ku dihigeen 11 gaadiid ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda 5 ka mid ah ay yihiin kuwa dagaalka, halna booyad ay tahay, mid kalena uu yahay gaadiidka xambaara Ciidamada.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay dagaalka in uu jiro, balse Shabaabka aysan la wareegin degaanka oo Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin.
Marka laga soo tago wararka ay isdhaafsanayaan labada dhinac ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida dhabta ah ee ay wax uga dhaceen degaanka Bariire iyo cida ku sugan.
Saldhiga Shabaabka ay weerareen ayaa waxa uu yahay mid aad loo qalabeeyay oo Difaacyo adag leh, ayna adkeyd in weerar lagu galo, balse Shabaabka ayay dadka degaanka sheegeen in marka hore ay afaafka saldhiga la beegsadeen qaraxyo xoogan, taasina ay sababtay in ay gudaha ugalaan.
Dadka degaanka ayaa sheegay shalay in ay arkeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa AMISOM oo ka tagay saldhigga, ayna u maleynayaan in sidaasi uu ku yimid weerarka.
Degaanka Bariire ee dagaalka uu ka dhacay ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.