Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maalinti 3-aad Kulankooda la baajiyay

Maalintii Saddexaad ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka  Galmudug waxaa laga hor-istaagay in ay ku shiraan Magaalada  Cadaado iyada oo ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeya hoggaanka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Maalintii Saddexaad Ciidamo loo dhigay Xarunta Madaxtooyada oo ay ku shiri lahaayeen taas oo keentay in markii Saddexaad uu kulankoodii baaqdo.

Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabe oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in dhacdadii Saddexaad looga joojiyay kulankooda taasina ay tahay wax ka fog dowladnimada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo farabadan ay ku xayirnaayeen ama ay joogeen afaafka hore ee Madaxtooyada kadibna ay isaga soo tageen.

“Mudo ayan ku xayirneyn afaafka hore ee Madaxtooyada in aan kulano waa naloo diiday waxase kaloo jira in gudoomiyaheenii iyo ku xigeenkiisii Xabsi Guri la geliyay basle anaga hadda wixii ka dambeeya Guddoon ayaan dooran doonaa kadibna waan kulmi doona ayuu yiri xildhibaanka”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Gudoomiyahoodi mabixi kartaan lagu yiri taasi wa mid wax u dhimeysa dowladnimada iyo Dastuurka Galmudug, hadii la kala fikir duwanaadana an la noqon kali talisnimo ayuu yiri Xildhibaanka.