Xubnihii loo xilsaaray in ay baaris ku soo sameeyaan arrinta Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen halka ay mareyso baaristooda iyo waxa ay ilaa hadda qabteen.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in hada ay magacaabeen Guddoomieye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye, si howsha ay wadaan ay u dardar geliyan.
Xildhibaan Ludhfi Maxamed Shariif oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay kiiska baarista ay sameynayaan in ay la kaashan doonaan cidkasta oo ay u arkaan in uu xog ka hayo (Qalbi-dhagax).
“Walaahi hada anaga waxaa naloo xilsaaray arrinta (Qalbi-dhagax), howshaasi inta aan wadno waxaan sameynaynaa baaritaano, kadib waxaan ku wareejineynaa Baarlamaanka, si saxaafada loogu soo bandhigo, Guddoonka, ku xigeenka iyo Xoghaye ayaan dooranay.” Ayuu yiri xildhibaanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Lixdii bishan sheegtay C/kariin (Qalbi-dhagax) in uu yahay Argagixiso, xiriirna uu la lahaa ururka Al-shabaab, taasi oo dhalisay in Dowladda Itoobiya lagu wareejiyo.