Guddiyada nabad gelyada ee Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka shiray Colaada ka taagan Bariga gobolka Mudug.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa Degaanka Godod ku dagaallamay Maleeshiyaad kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug.
Guddiga ayaa soo saaray qodobada kala ah:
1-In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday
2-Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan
3-Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan
4-In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin.