Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.
Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay gobolka Hiiraan, waxaana uu tagay Baledweyne, Jalalaqsi, iyo Buuloburde.
Madaxweyne Waare oo la doortay 16-kii bishaan ayaa waxaa hor yaala howla badan oo ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Nabad gelyada iyo Horumarinta dadka reer Hirshabeelle.
Waare ayaa dhawaan sheegay in la furi doono Wadooyin badan oo ay ugu Muhiimsantahay mida isku xirta Beleweyne iyo Muqdisho.