Al-shabaab oo lasoo sheegayo in ay dileen rag Kenyan ah oo ka bar bar dagaalamayey (Sawirro)

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay Alshabaab dileen 3 Kenyan oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo lagu helay inay Basaasiin ahaayeen, waa sida uu argeysku qoray.

Wargeyska The Standard ayaa sheegay inay 3 Dagaalyahano Kenyan bishan September 10-dii lagu dilay Degmadda Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe, kadib, markii lagu soo oogay inay basaas u ahaayeen Hay’addaha Ammaanka ee Kenya.

Magacyadda Kenyanka lagu dilay Degmadda Jilib waxaa lagu kala sheegay C/llaahi Talaal Muusa, Jareed Mukayo Omambiya iyo Haashim Cusmaan Selal.

Shabaab ayaa ragaan ay dileen waxa ay horay ugu sheegeen in ay ahaayeen Basaasiin u shaqayn jiray Kenya iyo Dowladaha Reer Galbeedka.