Akhriso: Liiska Wadamo ay Soomaaliya kamid tahay oo aan wax Cod ah ka dhiiban karin shirka Q/Midoobay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in afar dal oo ay ku jirto Soomaaliya aanay wax cod ah ka dhiiban karin shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey United Nations General Assembly (UNGA).

Qoraalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo baxday 7-dii bishan September ayaa waxa shardi looga dhigay in afarta dal ee ay Soomaaliya ku jirto inay bixiyaan lacagaha qaaraanka ee ku waajibtay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay qaaraan lacageed oo dhan $1,354,435 Dollar oo ah Qaaraanka lagu lahaa labadii sanno ee la soo dhaafay ee 2015 iyo 2016.

Dalalka aan cododka ka dhiiban karin ayaa waxay kala yihiin Jaziiradda Comoros, Guinea-Bissau iyo Jaziirada Sao Tome and Principe.

Sidoo kale, Jesiiradda Comoros waxaa lagu leeyahay lacag dhan 87,648 Dollar, Guinea-Bissau lacag dhan 46,439 Dollar, halka Jasiiradaha Sao Tome and Principe lagu leeyahay lacag dhan 779,636 Dollar.

Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM waxa uu awood u leeyahay Fasax ay ugu oggolaan karaan dal ka mid ah dalalkaasi inuu cod ku yeesho Shirweynaha Golaha Guud ee QM, haddii la ogaado inuusan dalkaasi ku guul-daraystay inuu iska bixiyo Qaaraanka lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaaliya u matalaya shirka golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo lagu wado in Ra’iisul Wasaaruhu uu khudbad ka jeediyo shirka maalinta jimcaha ee soo socota.