Akhriso: Liiska magacyada Guddi gaar ah oo loo xil saaray Arrinta Qalbi dhagax

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddi loo xil saaray in ay kasoo talo bixiyaan Go’aankii Xukuumada Soomaaliya ka qaadatay C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan lagu wareejiyay Dowlada Itoobiya.

Guddiga uu magacaabay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah 15-Xubnood oo dhamaan katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Guddigan loo xil saaray in ay kasoo talo bixiyaan Kiiska Qalbi Dhagax iyo Go’aanka Xukuumada ka qaadatay.

Guddigan loo xil saaray kasoo talo bixinta Kiiska C/Kariin Qalbi Dhagax ayaa la faray in si deg deg ah u howl bilaabaan , waxaa sidoo kale lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso kiiskan inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda Guddiga la magacaabay.
Halkan ka Akhriso Magacada Guddigan