Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa Kontaroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso ku qabtay Gaari siday Lacag been abuur ah oo lagu soo riday Fuustooyin.
Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay in ay qabtaan Gaarigaasi iyo sidoo kale dadkii saarnaa.
Taliyaha Ciidamada Booliska Boosaaso ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.
Waxaa uu sidoo kale taliyihu uu sheegay in lacagtaasi la rabay in lagu qaso degaanada maamulka Puntland.