Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiisha iyo waxgaradka degmada Beled xaawo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kormeer ku maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa kulan la qaatay  Sarakiisha Ciidamada iyo Maamulka Magaalada Beledxaawo.

Kulanka inta uu socday ayaa Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa uu ku amaanay in ay iska difaaceen weerarkii ay dhawaan ku soo qaadeen Ciidamada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu Saraakiisha ciidamada ugu baaqay in ay iyaga oo kaashanaya Shacabka Gobolka Gedo ay ammaanka ka Shaqeeyaan.

Axmed Madobe ayaa la filaaya in Saacadaha kale ee nasoo aadan uu booqdo deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.