Waxaa wali kacsan xaalada Amni ee xaafada Haanta dheer oo saacidihii lasoo dhaafay iska hor imaad uu ku dhex maray Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho iyo Ciidamada loo Yaqaano Imaaraadka oo isku dhinac ah kuwaas oo weerar ku qaaday Ciidamo Militariga Guuto 3aad oo deganaa Xaafadda Haanta dheer.
Sida ay Warbaahinta Goobsan.com helayso waxaa jira Gurmadyo xoogan oo kusoo wajahan Goobta uu dagaalku ka dhacay halka Saacad ka hor uu soo Gaaray Gurmad u yimid kuwa Militariga Soomaliya ee weerarka lagu soo qaaday waxaana jira Gurmad kale oo usoo ruqaansaday Xaafada uu dagaalku ka socdo.
Ilaa iyo hadda ma jirto Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo soo kala dhex galay Ciidamadan ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamaya Xaafadda Haanta dheer.