Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay degmada Doolow (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaamaniyo oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ayaa maanta waxa ay gaareen Degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Doolow ku soo dhaweeyay Xubno Wasiiro ah oo halkaasi ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Madaxeynaha Jubbaland Magaalada Doolow ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya, isaga oo kala hadlaya arrimaha ammaanka iyo Dagaalka ururka Al-shabaab.

Mid ka mid ah xildhibaanada safarka ku wehlinaya Madaxweyne (Axmed Madoobe) ayaa warbaahinta u sheegay Madaxweynaha safarkiisa in uu ku qotomo sidii jawaab loogu heli lahaa weerarada Shabaabka waqtiyadii dambe ay ka geysanayeen degaanada gobolka Gedo, gaar ahaan weerarkii Beled-xaawo.

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro is xig xigay ku kala qaaday Saddexdii bishan Degaanka Buulo-gaduud oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iyo 11-kii bishan oo ay weerareen degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed (Madoobe) ayaa Afartii April ku dhawaaqay Dagaalo ciidamada huwanta ah ee Kismaayo ku sugan ay ku qaadaan degaanada Jubbaland oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.