Wararka naga soo gaaraya Degmada yaaqshid ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in Diyaarad Nuuca drown-ka ah ay kuĀ dhacday degmadaas.
Diyaaradaan ayaa ku dhacday Xaafadda Ceymiska Degmada yaaqshid ee Gobolka banaadir.
Diyaarada ayaa ku dul dhacday goob banaan ah oo kutaala waaxda 1-da Luulyo ama Ceymiska, Guryo ka sameysan Jiingado oo ka agdhawaa goobta ayaa qaar ka mid ah qasaaro aad u yar ka soo gaaray, Mana jiro wax qasare Nafeed ah oo ka dhashay.
Sidoo kale ma jirto ilaa iyo hadda Wax ciidan ah oo soo gaaray Goobta ay diyaaradu ku dhacday.