Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ay kula wareegeen degmada Beled Xaawo

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku bilaawday qarxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen xero Ciidan oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ku leeyihiin degmada Balad Xawo ee gobolka Gedo.

Weerarka kadib waxa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac kaas oo aad u xooganaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degamda Balad Xaawo.

Dagaalka kadib ayaa waxaa halkaasi isaga baxay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda iyada oo si buuxda ay ula wareegeen Ciidamadii Al-Shabaab ee weeraray degmada Balad Xaawo balse markii dambe isaga baxay kadib markii Duqeymo xooggan oo ciidamada Kenya ku qaadeen Beledxaawo taasna ay u saamixi weyse in Al-shabaab ay sii haystaan degmada Beled xaawo waa sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Diyaarado Helicoptero ayaa la sheegay inay dul heehaabayeen degmada, markii Al-Shabaab la wareegeen, waxaana xaalada ay iminka tahay mid degan.

Waxaa la sheegaaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac, balse Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen ku dhawaad 30 Askari.