Al-shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen degmada Beled xaawo

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, iyada oo la soo sheegayo in ay la wareegeen.

Al Shabaab, ayaa dhinaca bariga ka weeraray Degmada Beled Xaawo, iyagoona dagaal kula wareegay xero ay Ciidamada Jubbaland ku lahaayeen wadada laga soo galo degmadaasi.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarkooda marka hore in ay ku bilaabeen qarax, kaasi oo ay sheegeen in loo uu ahaa mid culus.

Shabaab sidoo kale waxay sheegeen in guud ahaan ay la wareegeen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, ayna ka baxeen Ciidamada Jubbaland, balse ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta in Shabaab ay la wareegeen degmadaasi.

Waxaa sidoo kale aanan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay adag tahay helista xogta rasmiga ah ee weerarkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen weerar ku bilowday marka hore qarax, kadibna la isku adeegsaday rasaas fara badan, oo ay sheegeen in ay qal qal ku abuurtay, maadaama xilli hore ay aheyd.

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama aysan hadlin weerarkan Shabaabka ay sheegeen in ay ku qaadeen fariisin ku taalla duleedka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Waxii kusoo kordha kala soco Goobsan.com