Xaalada Nololeed ee degaanka Xeraale oo laga deyrinayo

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo booqday degaanka Xeraale ayaa ka dayriyay Xaaladda ay kunool yihiin dadkii ku barakacay dagaalladii ka dhacay degaanka Xeraale.

Wasiirka Diinta maamulka Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in dadkii kunoolaa Xeraale ay qaarkood gaareen Magaalooyinka waa weyn ee Galmudug kuwo kalena ay ku dhibaateysan yihiin duleedka Magaalada.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi la gaarsiin doono gargaar ,islamarkaana Galmudug ay dadaal badan ku bixin doonto sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Wasiirka ayaa dadka kasoo jeeda Xeraale iyo Hay’addaha Gargaarka ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadka kunool degaanka Xeraale oo ay dagaalladu saameeyeen.

Degaanka Xeraale ayaa waxaa ku duulay ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna, waxaana muddo ay halkaasi kula dagaalamaayeen dhalinyaro degaanka ah oo diiday Ahlusunna.

Waxaa hadda degaanka Gacanta ku haayo maamulka Galmudug oo ay taageersanaayeen dhalinyaraddii degaanka ee Ahlusunna ka saaray Xeraale.