Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirrada weerarkii todobaadkii la soo dhaafay ay ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Sawiirada oo ay soo dhigeen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas Saanad Meleteri oo isugu jira hub iyo Gaadiid ay ku soo qabsadeen.
Sidoo kale Weerarkaas ayaa ahaa mid lagu bilaavay Baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo uu waday Qof Naftiis hore ah iskuna Qarxiyay Ilinka Hore ee Saldhiga Ciidamada Buulo Gaduud.
Hoos ka daawo Sawirada