Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta looga hadlayo dhiibistii Qalbi dhagax

Waxaa Maanta oo Sabti ah Xildhibaanada Golaha Shacabka  lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka .

Kulankan ayaa Ajendaha looga hadlaayo uu yahay Wareejintii Xukuumadda Soomaaliya ee Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ahaa  Sarkaal ka tirsan ONLF.

Waxaa la filayaa maanta in Maanta Xildhibaanadu ay dood adag ka yeelan doonaan arrinta ku saabsan dhiibistii Qalbi dhagax oo ay si heer sare ah u faaqidi doonaan.

Inkastoo Xildhibaanada qaarkood ay horay usoo dhaweeyeen dhiibidii Qalbi Dhagax , halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

Dhiibistii Qabi dhagax ayaa Dowladda Soomaaliya ku furtay Mowjado Siyaasadeed oo gil gilay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxii kusoo kordha kala soco Goobsan.com