Mareekanka oo sheegtay in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ayaa lagu sheegay Diyaarado Drone-ah oo ay leeyihiin Mareykanka in ay duqeyn ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn shalay oo Khamiis aheyd abaare 02:45-PM duhurnimo ka dhacday agagaarka degmada Baraawe in lagu dilay Dagaalyahan ka tirsan ururka Al-shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii 3-aad oo uu Mareykanka fuliyo todobaadkan gudihiisa, maalmo ka hor waxaa duqeyn lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida Mareykanku sheegtay.

Ururka Al-shabaab dhankooda weli war kama aysan soo saarin warkan sheegaya in Dagaalyahan iyaga ka tirsan lagu dilay Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos ka akhriso Qoraala ay soo saareen Taliska Africom