Diblumaasi Caalim oo si kulul uga hadlay Xariga Cabdi kariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax. Iyadoo maal mihii lasoo dhaafay hadal heynta bulshada Somaliyeed ay noqotay xariga Qalbi dhagax ayaa Diblimaasi Maxed Max’uud Caalim waxa uu sheegay in tilaabadaas ay aheyd mid ay ku fududaatay Dowlada federaalka loona baahan yahay in ay raalin galin cad ka bixiyaan.
Waxa uu ntaas ku daray in masuuliyiinta Dowlada ay keentay in arinkaan ay siyaabooyin kala duwan uga hadlaan taas oo keentay in ay meesha ka baxaan howlihii adeegyada Bulshada ee ay umada Somaliyeed ka sugeyse. Ugu dambeyn waa uu bulshada Somaliyeed ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan si loo helo isla xisaabtan dhab ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dhaliilo loo soo jeedinayo Madaxda Dowladda taasoo ay maalmahanba Siyaasiyiin, Odayaal iyo Aqoonyahano ay si isku mid ah uga fal celinayeen Xariga Qalbi Dhagax.
Halkan ka dhageyso codka Caalim