Wararka aan ka helayno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax, kaasi oo ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid xaafadaha degmadaasi, oo u badan Haween iyo cauuur.
Banaanbaxan ay dhigayaan shacabka halkaasi ku nool ayaa waxaa looga soo horjeedaa Ciidanka AMISOM, kadib markii maalmo kahor ay halkaasi ku dhaawaceen nin dhlainyaro ah oo caafimaadkiisa aanan dhameystirneyn.
Qof ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa Warbaahinta Goobsan u sheegay in dadkaasi ka banaanbaxayaan Nin Soomaaliyeed oo madaxa looga jiray kaasoo ay horay dhaawac ugu geesteen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi dhaawacii soo gaarayna uu xalay u geeriyooday.
sida kale Degmada Afgooye ayaa hadda ah mid jawigeedu deganyahay mana jirto wax rabshado ah oo laga soo sheegayo Mudaharaadka ka socda Degmadaas.