Wali waxaa jira xiisad kacsanaan ah oo laga dareemayo Siyaasada Soomaaliya taasoo salka ku haysa dhiibista Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Go’aanka golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya meelna ugama yaalo sharciga dalka sababahaan soo sacda dartooda waana nasiib daro iney cadeystaan iney ku saxanyihiin dhiibistii Qalbi Dhagax.
Hoos ka akhriso Qodobadan Muujinaya in Go’aankii Wasiirada uusan waafaqsaneen Dastuurka dalka.
1: Dalka weli lama ansixin sharcigii argagixsada mana jirto meel ONLF argagixso loogu aqoonsadey Dastuurkeena
2: In qof loo dhiibo meel uu kala kulmaayo dhibaato qodobka Dastuurka 36 ayaa diidaayo
3: Waxay kasoo horjeedaa heshiisyada caalamiga oo aan qeebta kanahay sida kan UDHR Iyo Kan Genava Convention
4: Heshiishyada ay sheegeen horey loo galey ma ahan kuwa xalalaal ah maadaama aan Baarlamaanka oo ah sharci dejiyaasha dalka aan lasoo marsiinin
Xigasho:- Radio Simba To-Senetor Ilyaas