Maamulka Soomaaliland oo Faahfaahin ka bixiyay Sababtii loo Xiray Sheekh Adan Sunne

Laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay xariga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah Culimada Magaalada Hargeysa oo xalay lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Faysal Xiis oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Warbaahinta kula Hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) uu lidi ku ahaa amniga iyo Qaranimda Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in uu madax u ahaa dhalinyaro loo tababarayay Ciidamo oo saldhig ku lahaa banaanka Magaaladdda Hargeysa.

Xiis ayaa sidoo kale xusay in maalintii Ciida Sheekh Aadan Sunne inuu sheegay hadalo kicin dadweyne ah oo amni daro abuurikara.

“Xalay waxa ay ciidamada Booliska hawlgal ku soo qabteen wadaadka lagu magacaabo Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) kaasi oo Qatar ku ah nabadgelyada qaranka, kaasi oo markii la qabanaayay ciidamada Booliska kala hor yimid iska caabin, maadaama uu soo abaabulay dhalinyaro, rag iyo dumar oo ciidamada Booliska ka hor yimid.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr jeer xiray Sheekh Aadan Suni ka dib markii uu dhaliilay maamulka Somaliland.