Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaalkii xoogganaa ee saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ay ku sugnaayeen ee deegaanka Buulo gaduud duleedka Magaalada Kismaayo.
Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulka Jubbaland ay waxyeelo kasoo gaartay Weerarkaasi oo isugu jiray Qaraxyo iyo sidoo kale weerar toos ah.
Ciidamada ayaa la sheegay in waxyeeladda ugu badan ay kasoo gaartay Gaariga lagu qarxiyay ilinka hore ee Xerada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee degaanka Buulo gaduud.
Dagaalka ayaa socday muddo saacad ku dhow sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, Xerada Ciidamada Buulo gaduud hadda waxaa gacanta ku haayo ciidamada Shabaab, iyadoo ciidanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sidii mar kale ay Shabaab uga qabsan lahaayeen xeradan ciidan.
Sidoo kale War qoraal ah oo ay barta Internetka Shabaab soo dhigeen ayay ku sheegeen in ay Xerada oo ay hada Gacanta ku hayaan ku qabsadeen Saanad Militari.
Maamulka Jubbaland ayaa wali war kasoo saarin dagaalkaasi Askarta lagu dilay ee ka dhacay degaanka Buulo Gaduud.