Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan  xubno ka tirsan Labada gole ee maamulka ayaa Goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ujeedka Socdaal Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lagu sheegay dhameystirka wadahadalo horay u socday ee u dhaxeeyay mamaulada Galmuudg iyo puntland.

Dhigiisa ku xigeenka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa isna maanta soo gaaray gaalkacy waxana ay labada dhican ka wada hadli doonaan arimaha colaadaha ka jira qeybo ka mida gobolka kuwaas oo badankood dhaxmara dadka reer guuraaga ah ee ku wada dhaqan gobolka Mudug.

Kulanka  labada madaxweyne ku xigeen ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco dhanka maamulka galmudug.