Meydadka dadkii lagu dilay weerarkii Bariire ayaa maanta la aasay , kaddib is afgarad dhex maray dowladda Soomaaliya, odayaasha iyo ehelada dadkii laga dilay.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Meydadka oo gaaraya illaa 10 ayaa goor dhow lagu soo aasay Qabuuraha wayn ee Barakaat, iyadoo laga soo saaray Talaajadii ay ku jireen Meydadkaas oo muddo todobaad yaallay isbitaal.
Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Aqalka sare, odayaasha iyo ehelada dadkii laga dilay ayaa ka qeyb galaya aaska ayadoona ay jireen wasiiro ku sugnaa Isbitaalka waqtigii la bixinaayay Meydadkaas.
Dowladda Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isku afgartay in meydadka la aaso, isla markaana la bixiyo magdhaw, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dowladda ay qofkiiba ka bixineyso lacag gaareysa $70,000 (Todobaatan kun oo dollar).
Balse dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in ay lacagta mar qura wada bixinayn oo ay u kala bixin doonto Bil bil marka laga reebo 100,000 (Boqol kun oo dollar) oo ay hadda ku bixineyso kaash ayadoona inta dhiman oo ah wadar ahaan Lix Boqol oo kun oo dollar ay bishiiba u bixin doonto Labo boqol kun oo dollar waa sida ay warbaahinta Goobsan u xaqiijiyeen dad ka agdhow dadkii Bariire lagu laayay goobjoogna u ahaa arintii wada hadalka.
Sidoo kale Natiijadii ka soo baxday baaritaanka dadkii lagu dilay Bariire ayaa lala wadaagay ehelada dadkii laga dilay, waxaana lagu wadaa in maanta la soo bandhigo.
Golaha Wasiirada ayaa suura gal ah in shirkooda khamiislaha ah inay ka soo saaraan war saxaafadeed ku saabsan kiiskii Bariire iyo baaritaanka ay sameeyeen Guddigii xaqiiq raadinta ahaa,