Inta la xaqiijiyay sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa ku dhintay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah ay u sheegeen Warbaahinta.
Iskudhacyadaan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dilka dadka u dhashay Jabuuti ayaa timid ka dib markii dalka Jabuuti lagu dhaawacay Labo ruux oo Oromo ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano dilka loo geystay dadka u dhashay Jabuuti.
Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.