Ayadoo xalay la magacaabay badi Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la ogaaday in Gudoomiyayaashaasi 8 kamid ah ay haystaan dhalashada wadamo shisheeye.
Tani ayaa noqoneysa tiradii ugu badneyd oo madax ka noqda degmooyinka Gobolka Banaadir, taasoo dad badan su’aal ka keeneen aqoonta iyo waayo aragnimada ay xilligan u yeelan karaan shaqsiyaadka la magacaabay oo xilalka loo dhiibay, maadaama ay dalka muddo ka maqnaayeen.
Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka ayaa heysta baasaboorada UK, USA iyo Holland, waxaana lix ka mid ah ay heystaan baasaboorka UK, kuwaasoo qaarkood ay xilli isku magaalo ku wada noolaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Taabid.
Xubnaha loo magacaabay degmooyinka Yaaqshiid, Hodan, Howlwadaag, Wadajir, C/casiis, Waaberi, Shibis iyo Xamar Jajab ay heystaan baasaboor ajnabi ah.
Sida lawada ogsoonyahay gudoomiyayaashii kuwaan ka horeeyay ayaa badi ka yimid dalka Sudan halkaasoo ay wax kusoo barteen, Gudoomiyahii waqtigaas xilka hayana uusoo magacaabay dad asaga u qaas ah oo ay isla ahaayeen reer Sudan,
Marka loo fiirsado fursadaha shaqo ee dalka waxaa hela dadka qurbaha ka yimid oo xilligan helaya xilalka ugu badan ee dowladda ayadoo dhalinyarada gudaha dalka ku sugan ay yihiin shaqo la’aan ayagoona duruufaha adag ee ka jira wadanka wax ku bartay xog ogaal u ah ,isla markaana ah dad aqoon leh ayna qaban karaan shaqo walba oo la xariirta dowladda balse laga doorbiday dad heysta Baasabooro Shisheeye.
Dad badan ayaa ka digaya in takoorid lagu sameeyo dhalinyarada gudaha dalka ku sugan, lagana door bido kuwa heysta baasabooro ajnabi ah ay sababi karto in dhiira gelin u noqoto tahriibka oo sii bata, maadaama uu ku fikiro karo in hadii uu dibada tago, baasaboorna soo qaato uu xil ka qaban karo dalka.
Haddaba malays dhihi karaa madaxda dalka ka talisa ayagaa masuul ka ah niyad jabka baahsan ee ku yimid dhalinyarada dalkooda ka haajira ayagoo isku daya inay ka gudbaan badda qatarta badan taasoo ay dad badan naftooda ku haligantay.