42 qof oo loo xiray weerarkii lagu qaaday Hoyga Senitor Cabdi Qeybdiid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo  ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Falkan oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa ay ku tilmaameen weerar anshax xumo ah sidoo kale weerarkan ayaa dowladda haddii ay ka gaabiso waxa uu ku noqon doonaa mid ay ku muteysan doonto eedeyn badan.