Ciidanka Danab oo howlgal ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ee ka howlgala deeganada gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay horjoogaha lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muqtaar oo magaciisa afgarashada lagu sheegay saqraawi, xili ay howlgalo qorsheysan ka sameeynayeen deegaano badan oo ku yaala duuleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in mudadii ay ku guda jireen howlgalada iney ku dileen afar askari oo ka mid aheyd ilaalada horjoogaha Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada kala ah Shabac ,Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney cagta mariyeen goobihii ay baada Shacabka uga qaadanjireen ciidamada Al-shabaab, isagoona sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc